Alshabaab oo la wareegtay Degmada Ceel Baraf

Feb 20(Jowhar)Wararka ka imanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Alshabaab oo maanta deegaano ka tirsan Hirshabelle weerar ku qaaday ay gelinkii dambe ay la wareegeen degmada Ceel Baraf oo u dhexeysa degmooyinka Mahaday iyo Aadan Yabaal.

Dadkii degenaa degmadaas ayaa ka barakacay iyagoo deegaano kale ay miciin badeen,waxaana jira warar sheegaya in illaa afar askari oo ka tirsanaa ciidamada dowlada halkaas lagu diley.

Alshabaab ayaa waxaa sidoo kale la sheegay inay burburiyeen Taalo cusub oo dhawaan halkaas laga dhigey iyo dhowr guri oo ku yaal magaalada Ceel Baraf kadib markii waxyaalaha qarxa ay ku xireen.

Hase yeeshee Dowladda Soomaaliya oo soo saartay War-saxaafadeed ayaa faah-faahin ka bixisay dagaal maanta ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dagaalka ay dowladda guulahan ka sheegatay waxa uu si gaar ah uga dhacay deegaannada Ceel Cali Axmed, Cali Fooldheere, Alkowsar iyo Daarunimca ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More