AlShabaab oo weerartay deegaanka Boos-Hareeri ee gobolka Sh/dhexe

CREATOR: gd-jpeg v1.0 (using IJG JPEG v62), quality = 90

Mar 07 (Jowhar)-Kooxda Alshabaab ayaa weerar ku bilowday qaraxyo waxa ay ku qaaday tuulada Boos-Hareeri oo ka tirsan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Sh/dhexe,

Dagaal xoog leh oo ka dhacay deegaanka ayaa la sheegay in ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ay iska difaaceen weerarka,iyadoo dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Kooxda Alshabaab ayaa dhaqdhaqaaq xooggan ka waday deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe muddo ka badan toddobaad iyadoo la wareegtay deegaano badan halka deegaano badan.

Dowlada Federalka ayaa u dirtey ciidamo faro badan deegaanada lagu dagaalamay.
Boqolaal qoys ayaa ka barakacay deegaanadoodii iyadoo dagaalka u dhexeeya ciidamada dowlada iyo kuwa Alshabaab uu sii xoogeysanayo maalinba maalinta ka dambeysa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More