Amarro la xiriiro go’doominta Shabaab ee Baydhabo oo ka dhaqan galay boosteejooyinka Muqdisho
July. 18 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay amarro dul dhigtay wadayaasha gawaarida aada magaalada Baydhabo ee laga raro boosteejooyinka laga raaco gaadiidka.
Sida xogaha la helayo ay muujinayaan, dhaq dhaqaaq buuran kama jiro goobahaasi oo kala ah Seybiyaano oo degmada Hodan ah iyo suuqa Bakaaraha oo degmada Howlwadaag ah.
Qaar kamida wadayaasha gaadiidka ayaa si hoose warbaahinta Muqdisho ugu sheegay in tiro yar lagu soo koobay gaadiidka aada gobolka Baay, sidoo kalena loo sheegay ineysan soo qaadi karin agab isugu jiro raashin, khudaar iyo adeegyo kale oo loo wado caasimada KMG-ka ah ee Koofur Galbeed.
Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xili kooxda Shabaab ay mudo laba todobaad ah go’doomiyeen magaalada Baydbabo, halkaasoo aaney gali karin gawaarida raashinka iyo khudaarta wada.
Koonfur Galbeed ayaa had iyo jeer ah gobolka ugu nugul Soomaaliya marka loo eego xaaladaha ku wareegsan ee
dhanka amni darrada iyo abaaraha.
Sidda ay sheegtay Qaramada Midoobay, Baydhabo waxaa ku nool ilaa 600,000 oo barakacayaal ah oo ay
guryahooda kasoo qaxiyeen dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo abaaraha
Bishii Abriil, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa booqday Baydhabo si uu u bilaabo
olole bini’aadantinimo, isagoo ka codsaday “gargaar caalami ah oo ballaaran” si looga hortago macluul timaada.