Antony Blinken markiisii 7aad gaaray Israel sanad gudihiis

Oct 22  (Jowhar)Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa  gaaray Isra’il, halkaas oo uu ka billaabayo booqasho uu ku mari doono dalal ku yaalla Bariga Dhexe.Blinken ayaa isku dayi doona in uu soo nooleeyo wadahadallada xabbad-joojinta Gaza iyo mustaqbalka siyaasadda ee Marinka Gaza, kaddib dilka hogaamiyihi Xamaas Yaxya Sinwaar.

Socdaalkan ayaa noqonaya kiisii kow iyo tobnaan ee uu ku tagayo Isra’il, tan iyo marki ay billaabatay colaaddka Isra’il iyo Xamaas todobadi bishi October ee sannadki 2023-ki, markaas oo ay Xamaas weerartay Isra’il, taasoo kicisay duullaanka wali socda ee ay Isra’il ka waddo Gaza iyo Lubnan.

Isra’il ayaa sii xoojisay duqeymaha ay ka waddo Gaza iyo Beyrut todobaadyadi u danbeeyay, halkaas oo ay saraakiisha caafimaadka labada dhinac ay sheegeen in la dilay boqollaal qof.

Qorshaha socdaalka Blinken ee Bariga Dhexe oo qaadan doono hal todobaad ayaa waxaa qeyb ka ah, safar uu maalinta Arbacada berrito ah isugu mari doono Urdun iyo Qatar.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More