Anura Kumara Dissanayake oo ku guuleystay doorashooyinkii madaxtinimo ee dalka Sri Lanka

Sep 23 (Jowhar) Anura Kumara Dissanayake oo ah siyaasi u janjeera fikirka Maarkiisamka ayaa ku guuleystay doorashadi madaxtinimo ee Sabtidi ka dhacday dalka Sri Lanka, sidaasi waxaa shaaciyay Axaddii guddiga doorashada.

Shacabka Sri Lanka ayaa gees isaga riixay siyaasiyiinti hore ee wajiga u ahaa dowladihi dhawaa, kuwaas oo ay u arkeen in ay dalkaasi dhaca koofurta Aasiya ay ku riixeen qalalaasihi dhaqaale ee aadka u xumaa.

Dissanayake, oo aad u taageera dabaqadda shaqeysa isla markaana kasoo horjeeday siyaasiyiinta af-miishaarrada ee caanka ahaa, ayaa taageero lixaad leh ka helay dhalinyarada taas oo soo dadajisay guusha uu ka gaaray doorashada.

Wuxuu ka badiyay hoggaamiyaha mucaaridka Sajith Premadasa iyo madaxweynaha xilka kasii dagaya Ranil Wickremesinghe, kaas oo kursiga ku fariistay laba sano ka hor ka gadaal marki ay Sri Lanka gunta u gashay qalalaase dhaqaale oo aad u daran.

Ku dhawaad 6 milyan oo cod ayuu ka helay codadki la dhiibtay sida ay shaaciyeen guddiga doorashada. Shaqada ugu weyn ee hortaalla ayaa ah xasilinta dhaqaalaha aanan wali soo kaban ee dalka Sri Lanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More