Aqalka Sare oo ka dooday maanta Lacagta Shillin Soomaaliga

Aug 19(Jowhar)Kulanka maanta uu yeeshay golaha aqalka sare ayaa looga dooday lacagta shillin Soomaaliga ah iyo sidii dib loogu soo celin lahaa isticmaalkeeda dalka oo dhan.

Kusimaha guddoomiyaha ahna guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha aqalka sare mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo uu weheliyay guddoomiye ku xigeenka 2-aad mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa  shir guddoomiyay kalfadhiga 5-aad kulankiisa 10-aad ee aqalka sare ee Baarlamaanka JFS.

kulanka maanta oo ajandihiisu ahaa ka doodista lacagta shilinka Soomaaliga ah ayaa ugu horeyn Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare Sanatar Ibraahim Owgaab Cismaan, wuxuu sanatarradda aqlka Sare warbixin ka siiyay taariikhda lacagta Shilinka Soomaaliga, heerarka ay soo martay iyo hadda halka ay marayso, isagoo soo jeediyay in golaha oo gudanaya waajibaadkiisa ay door ka qaataan xallinta baahida shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan helitaanka Isticmaalka lacagta shilinka Soomaaliga.

Intaas ka dib Sanatarrada Aqalka Sare oo ka qayb qaatay doodda xaaladda isticmaalka lacagta shilinka Soomaaliga ah ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dabar go’a ku yimid lacagta shilinka Soomaaliga ah oo aan hadda laga isticmaalin Gobollo badan oo ka dirsan dalka, waxayna soo jeediyeen in xukuumaddu ay qaaddo tallaabooyin lagu suurtagelinayo daabacaadda lacag cusub oo shilin Soomaali ah maadaama waqtigan baahi weyn loo qabo in la helo lacag cusub.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More