Askar ka tirsan DANAB oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday shil diyaaradeed xili ay tababar ku jireen

Feb. 26 (Jowhar.com)-Faah faahini dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay diyaarad helicopter eheyd oo gelinkii danbe ee shalay gobolka Sh.Hoose kula dhacday ciidamo ka tirsan DANAB, xili ay ku guda jireen tababar.

Sida wararku tilmaamayaan, diyaarada ayaa ciidankan kula dhacday duleedka xerada Bali-doogle ee gobolka Sh.Hoose, halkaasoo talis u ah ciidnakan oo ay tababaraan kuwa Mareykanka ee xeradaasi maamula.

Inta la xaqiijiyay Afar askari oo ka tirsan ciidanka DANAB ayaa ku geeriyooday shilkan, halka Afar kale ay ku dhaawacmeen, waxaa sidoo kale jira dhaawacyo soo gaaray laba askari oo Uganda u dhalatay iyo mid cadaan ah oo ahaa Pilot-ka ama wadaha diyaaradaha.

Mid kamida ciidamadda ku xareysan xerada Bali-Doogle ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in sideed askari oo Soomaali ah kaliya ay saarnaayeen diyaarada, kuwaasoo noqday kuwa dhintay iyo kuwo dhaawacmay, iyagoo ku guda jiray iney bartaan sida diyaarad loogu howlgalo.

Askartan dhimashada iyo dhaawaca noqotay ayaa kamid ahaa ciidan dhawaan uu ra’iisul wasaare Xamze tababr ugu soo xiray Bali-Doogle, xili ay wehlinayeen taliyaha milatariga iyo safiirka Mareykanka, waxaana haatan u socotay wajiga labaad ee tababrka oo ay qeyb ka eheyd in diyaaradaha lagu howlgalo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More