Askri ka tirsan ciidanka dowladda oo darawal Mooto Bajaaj ku dilay Muqdisho
Jan. 21 (Jowhar.com)-Askari ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa barqanimadii maanta Darawal Mooto Bajaaj waxa uu ku dilay isgoyska Howlwadaag ee bartamaha magaalada Muqdisho.
Darawalka oo ahaa wiil dhalinyaro ah ayaa la sheegay inuu u geeriyooday rasaas ka haleeshay qeybaha sare ee jirka, wuxuuna wali meydkiisa yaalaa goobta dilka uu ka dhacay.
Arrinta argagaxa ah ayaa ah in xiliga la dilayay darawalka Mootada ay la saarnaayeen Hooyadiis iyo gabar ay walaalo yihiin, iyagoo aad uga naxay dilka wiilkooda.
Wiilka la dilay oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xeyle ayaa ka mid ahaa dhallinyarada xaafadda Gubta ee degmada Deyniile.
Goobta dilka uu ka dhacay waxaa ka socda banaanbax balaaran oo ay dhigayaan wadayaasha mootooyinka Bajaajta, iyagoo dalbanaya in cadaalada la horgeeyo gacan ku dhiiglaha.
Askarta ciidanka dowladda ayaa si micno dara ah u disha wadayaasha Mootooyinka Bajaajta oo ah dhalinyaro iska diiday iney dalka ka tahriibaan, iyagoo u shaqeysta qoysaskooda.