ATMIS oo dowladda ku wareejisay xero ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho
Jan. 22 (Jowhar.com)-Ciidamadda ATMIS ayaa xerada Maslax ee ku taala degmada Heliwaa ku wareejiyay dowladda Soomaaliya, kadib munaasabad lagu qabtay gudaha xeradaas.
Madaxa howlgalka ATMIS, ahna Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Maxamed Al-Amiin Souef ayaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdinuur Daahir Fiidow ku wareejiyay xeradan, isagoo soo tusay qeybaha ay ka kooban tahay xerada oo mudo kudhow 15 sano fariisimo u eheyd ciidamadda Burundi.
Wasiir Fiidow ayaa sheegay in xeradan la dajin doono ciidamo badan oo dibadda tababaro ugu maqan, wuxuuna ku amaanay ATMIS talaabadan ay qaadeen.
“Waxaan uga faa’iideyseynaa qorshooyin badan dhowaan waxaa rajeyneynaa ciidamo badan oo naga maqan tababaro inay dalka kusoo laabtaan,” ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Wasaaraddaasi, Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow.
Waxa uu dhinaca kale is dultaagay muhiimada ay dowladda ugu fadhido la wareegida xeradan, wuxuuna raja ka muijiyay in ciidamadda xoogga dalka ay si buuxda ula wareegaan dhamaan amniga dalka.
“Dowladda waxay uleedahay muhiimad weyn waxayna muujineysaaa guulahaa waa weyn ee ciidamada Soomaaliyeed ay gaareen, waxaana rajeyneynaa in ciidamadeena ay ku filnaadaan ammaanka guud ee dalka,” ayuu yiri Wasiir Cabdinuur Daahir Fiidow
ATMIS ayaa qorshuhu yahay inay dalka isaga baxdo marka la gaaro bisha December ee sanadka soo socda ee 2024-ka, xilligaas oo ay faarujin doonaan guud ahaan Soomaaliya, si ay amniga ugu wareejiyaan ciidamada Xoogga dalka oo haatan u diyaar garoobayo mas’uuliyadda waddanka oo dhan.