Axmed Macalin Fiqi oo kula kulmay Qaahir Dhiggiisa Masar Badr Abdel Atty

Jan 12 (Jowhar)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya  Axmed Macallin Fiqi ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Badr Abdel Atty, iyagoo ka wadahadlay horumarka iyo xasilloonida gobolka.

Kulanka arrimihii diiradda lagu saaray ayaa waxaa ka mid ahaa   dardar gelinta howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM iyo taageeridda ciidamada  Soomaaliya ee dagaalka kula jira argagixisada.

Labada wasiir ayaa bogaadiyay socdaalka wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya uu ku joogo magaalada Qaahira oo ay ku tilmaameen tallaabo loo qaaday wadashaqeyn xooggan.

Dr. Abdel Atty waxa uu ku celceliyay in Masar ay si hagar la’aan ah u taageerto midnimada, madaxbannaanida, iyo xasiloonida Soomaaliya, isaga oo xoogga saaray dadaallada wadajirka ah ee lagu xoojinayo iskaashiga labada dhinac iyo bixinta kaalmo farsamo.

Wasiirada ayaa isku raacay in la xoojiyo xiriirka iyada oo loo marayo Guddiga Wadajirka ah ee Wasiirada iyo in la dhaqan geliyo qodobbadii ka soo baxay shirkii Masar iyo Soomaaliya iyo Ereteriya ee 2024-ka, kor u qaadista amniga Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas.

 

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More