Axmed Madoobe oo dib ugu soo laabtay Kismaayo si uu uga qeybgalo shirka wadatashiga qaran

Sep 28 (Jowhar)-Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta dib u laabtay magaalada Kismaayo, kaddib howlo u gaar ah oo uu dalka dibaddiisa uga maqnaa.
Axmed Madoobe ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda iyo dadweyne kala duwan.

Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo dhowr jeer dib u dhacay labadii billood ee la soo dhaafay ayaa la fillayaa in horaanta bisha October uu ka dhaco Muqdisho, iyadoo lagu wado inuu ka soo qeyb galo.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More