Axmed Madoobe oo dib ugy laabtay magaalada Kismaayo iyo shirkii GWQ oo fashilmay

Oct 07 (Jowhar)-Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa saakay dib ugu laabtay magaalada Kismaayo, kaddib markii uu guuldareystay dadaaladii la doonayay in lagu qanciyo si uu uga laabto qodobadii uu hordhigay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran.

Shirka GWQ ayaa natiijo la’aan ku dhammaaday, lamana gaarin wax heshiis ah oo laga soo saaray, iyadoo ay horay u maqneyd Puntland ayay hadda ku biirtay Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa la filayaa inuu warbaahinta kula hadlo magaalada Kismaayo oo uu soo bandhigo waxyaabaha fashilka ku keenay shirka ee sababay inuu isaga soo tago.

Villa Soomaaliya ayaan iyada la ogeyn tilaabada xigta ee ay qaadi doonto.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More