Axmed Madoobe oo gudoomiyay shir ka dhan ah Al-Shabaab

July. 09 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa maanta Shir gudoomiyay Kulanka golaha wasiirada oo lagaga hadlay howlgalada dalka lagu xoraynayo, dardar galinta mashaariicda socda iyo qodobo kale.

Golaha ayaa bogaadiyay howlgalada ay wadaan Ciidamada kala duwan ee Jubaland iyo xooga dalka kuwaas oo dhabar jab xoog leh lagu gaarsiiyay Kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada Jubaland ayaa maanta la wareegay Degmada Xagar ee gobolka Jubada Hoose iyadoo halkaas khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay kooxaha Khawaariijta ah.

Sidoo kale Waxaa Kulanka lagaga hadlay dardar galinta mashariicda Dowlada ee Hada socda sidii qiimayn buuxda loogu samayn lahaa isla markana loo hubin lahaa gaba gabada inay u fuleen sidii loogu tala galay iyo bilowga mashariicda Cusub sidii ay u noqon lahayeen Kuwo taabo gala.

Golahu waxaa kale oo uu ka hadlay sidii mashariicda kala duwan ee Dowlada loo gaarsiin lahaa gobolka Gedo isla markana bulshada deegaanka ay u heli lahayeen adeegyada kala duwan iyo shaqada laamaha kala duwan ee Dowladu ay bulshada u hayaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More