Axmed Madoobe oo kulan gaar ah la qaatay xildhibaanada labada aqal ee ku sugan Kismaayo

Nov 10  (Jowhar)-Madaxweynaha Jubbaland ayaa maanta kulan wadatashi ah kula qaatay Xarunta Madaxtooyada Kismaayo Xildhibaannada labada Aqal ee BFS ee deegaan doorashadooda tahay Jubbaland.

Kulankan ayaa looga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, waxaana laga soo saari doonaa war murtiyeed looga hadlayo arrimaha siyaasadeed ee dalka iyo taageerida in Jubbaland ay u madax bannaan tahay inay qabsato doorashadeeda si waafaqsan Dastuurka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More