Axmed Madoobe oo madaxa ATMIS kala hadlay gulufka dagaal ee ka dhanka ah Shabaab
Feb. 09 (Jowhar.com-Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka gaarka ah e Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS Ambassador Mohamed El-Amine Souef oo booqasho ku yimid Jubaland.
Wafdiga Waxaa kamid ahaa qaar kamid ah wakiilada hay’adaha Qaramada Midoobay iyo howlwadeenada howlgalka ATMIS ee Soomaaliya.
Kulanka oo sidoo kale ay ka qeybgaleen qaar kamid ah xubnaha golaha wasiirada Dowlada Jubaland ayaa lagaga hadlay dardar galinta howlgalada dib u xoraynta ee Dowlada Jubaland ay ka wado qeybo badan oo kamid ah Jubaland iyo sidii howlgaladaas ay uga qeyb qaadan lahayeen Ciidamada ATMIS ee ku sugan Jubaland.