Axmed Madoobe oo mowqif adag ka istaagay shirka wadatashiga qaran

Oct 03 (Jowhar)-Shirka Wadatashiga Qaran oo maalintii labaad galay ayaa waxaa maanta hareeyay doodo adag oo ku saabsan jihada saxda ah ee uu dalku aadaayo, maqnaanshaha Puntland iyo sida laga yeelayo mataaladda Khaatumo State.
Sida wararku sheegayaan Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo jeediyay mowqifkiisa ku aadan sida loo wajahayo marxaladaha soo socdo, isagoo soo bandhigay qorshihiisa ku aadan doorashooyinka heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.

Ilo ku dhow dhow shirka ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu dowlad goboleedyada usoo bandhigay qaabka loo hirgelinayo doorashooyinka qof iyo codka oo kala ah in afar bilood gudahood lagu ansixiyo sharciyada doorashooyinka iyo sharciga Xisbiyada, afar bil gudahood lagu qabto diiwaan gelinta dadweynaha, halka afarta bil ee u dambeysa lagu qabto doorashada qof iyo cod ee Golaha deegaannada.

Axmad Madoobe oo arrinkaas ka biya diidsan ayaa soo jeediyey su’aalo adag oo la xariira maqnaashaha Puntland, Maqaamka Khaatumo, iyo in heshiis siyaasadeed uu sharciyad siin karo dawlad goboleedyada.

Lama oga in Axmad Madoobe inuu mowqifkaas ka tanaasuli doono iyo in kale, laakiin madaxda seddax dawlad goboleed oo kale ayaa ku ra’yi ah Madaxweynaha.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More