Axmed Salaymaan Dafle oo ku geeriyooday dalka Belgium
Apr 11(Jowhar)- Axmed Salaymaan Dafle oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladii hore ee Siyaad Barre ayaa ku geeriyooday dalka Belgiumka.
Axmed Saleebaan Dafle ayaa ahaa muddo dheer taliyihii Ciidamada Nabadsugida Soomaaliyeed “NSS”waxaana uu ka mid ahaa mas’uuliyiintii loo yiqiin shanti sare ee Golaha Kacaanka.
Marxuumka oo sannadihii dambe qurbaha ku noolaa, halkaas oo ugu danbayn ku geeriyooday habeenkii xalay ahaa, magaalada Brussels ee dalka Belgium oo uu degganaa.
Hase yeeshee Axmed Salaymaan Dafle waxa uu mudadii uu ku noolaa dalka dibadiisa uu diiday inuu qaato baasaboor ajnabi ah waxana uu ku degenaa dalka Belgium baasaboorkiisa Soomaaliga ah.
Axmed Salaymaan Dafle ayaa waxa uu derejada ciidamada ka gaaray Sarreeye Guuto,waxana uu ku dhashay magaalada Burco ee Gobolka Togdheer sannadkii 1937-dii. Dafle oo ay u dhaxday gabadhii Maxamed Siyaad Barre ayaa ka tegey 5 carruur ah.