Baarlamaanka Jubaland oo gudoomiye cusub doortay
Nov 21 ( Jowhar)-Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Jubaland ayaa maanta doortat gudoomiye cusub kadib dooradho ka dhacday magaalada Kismaayo.
Sida wararka la helayo ay tilmaamayaan, Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa markii saddexaad loo doortay xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Waxa uu helay 65 cod, halka Ismaaciil Cabdi Keerow oo ahaa Musharaxa kaliya ee la tartamayay uu helay 7 cod, waxaa xumaaday 3 cod, sida uu shaaciyay natiijada Guddigii doorashada ee Guddoonka Golaha Wakiilada Jubbaland.