Baarlamaanka oo aqbalay in mudo bil ah dib loo dhigo fasoxooda

Nov 02  (Jowhar)-Xildhibaannada labada Aqal ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay codsiga Madaxweynaha ee ahaa in muddo bil ah dib loo dhigo fasaxa Baarlamaanka, si muddadaas lagu ansixiyo shuruucdii dalka ku hoggaamin laheyd doorasho qof iyo cod ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo goordhow ka hadlayay Baarlamaanka labada Aqal ayaa jeediyay khudbado dhinacyo badan taabaneysay oo uu uga hadlay xaalada dalka iyo tan Gobolka, waxaana uu ku eedeeyay Itoobiya inay weerar ku tahay madax bannaanida iyo midnimada Soomaaliya, wuxuuna ayaa ka codsaday Baarlamaanka in bil dib u dhigaan fasaxooda si loo ansixiyo sharciyada lagama maarmaanka u ah doorashooyinka qof iyo cod.

“Waxaan ka codsanayaa Baarlamaanka in shacabka Soomaaliyeed ay sooyaan fursada doorasho xor ah, iyadoo loo marayo ansixinta sharciyada lagama maarmaanka u ah, Waxaa Baarlamaanka ka codsanayaa in xilliga fasaxa bil ka mid ah inay dib u dhigtaan, si dalka looga hirgeliyo shuruucdii lagu hoggaamin lahaa ee doorasho qof iyo cod ah ay u dhaqan gasho” ayuu fadhigga ka yiri madaxweynaha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More