Baarlamaanka oo beri dood adag ka yeelanayo hubkii shacabka Cabudwaaq u gacan galay

Jul 21 (Jowhar.com)-Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalinimada beri oo Isniin ah dood adag ka yeelanayo hubkii sharci darada ahaa ee dhawaan lasoo galiyay magaalada Cabudwaaq, kaasoo ka yimid dhibaca xadka Itoobiya.

Fariin loo diray mudanayaasha Aqalka Hoose ayaa lagu wargeliyay in kulanka beri diirada lagu saarayp hubkaasi, dagaal beeleesyada iyo xasaanada xildhibaanada oo buuq maalmahan ka taagnaa.

Arrintan ayaa kusoo aaday xili aad loo hadal hayay saameynta ka dhalan karta hubkaas, waxaana jiray culeysyo dowladda uga imanayay dowladda ay ugu horeyso Mareykanka.

Dowladda ayaa dhawaan kulan ay arrinta hubka ka yeelatay soo saartay sharci lagu mamnuucayo ka gamacsiga, soo dajinta iyo iibinta Hubka, iyadoo Cabudwaaq loo diray wafdi uu hoggaaminayay wasiirka Amniga Fartaag.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More