Baarlamaanka Soomaaliya oo dood adag ka yeeshay xisaab xirka Miisaaniyadii 2023

Oct 21 (Jowhar)-Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga shanaad kulankiisa wadajirka ah ee sedaxaad,waxaana shir Guddoominayay Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare.

Ajendaha kulanka ayaa waxa uu ahaa Akhrinta labaad ee warbixinta xisaabxirka sanad maaliyadeedkii 2023,waxaanna Guddiga Miisaaniyadda iyo Maaliyadda ee Baarlamaanka   uu xubnaha labada Aqal u faahfaahiyay warbixinta xisaabxirka miisaaniyaddii  2023.

Intaasi ka dib Xildhibaanadda labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dooday xisaabxirka sanad maaliyadeedkii 2023,waxaana Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka sare oo kulanka soo xiray uu sheegay in maanta lasoo gaba gabeeyay ka doodista xisaabxirka sanad maaliyadeedkii 2023 islamarkaana guddiga maaliyadda ee labada Aqal dib loogu celiyay si uu usoo diyaariyo Akhrinta sedaxaad dibna Golaha uu ugu soo celiyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More