Baarlamaanka Soomaaliya oo la horgeeyay miisaaniyada dowladda ee sanadka 2025

Oct 09 (Jowhar)Mudanayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii labaad ee wadajirka ah ku yeeshau xarunta Golaha Shacabka,waxaana shir guddoomineysay Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare mudane Cali Shacbaan Ibraahim, Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare mudane Cabdullaahi Xirsi Tima Cadde.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa akhrinta koowaad ee warbixinta xisaab xirka sanad maaliyadeedka 2023 iyo akhrinta koowaad ee xeerka qoondaha Miisaaniyadda Qaranka ee 2025.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka u faahfaahiyay akhrinta koowaad ee xisaab xirka sanad maaliyadeedka 2023 iyo xeerka qoondaha Miisaaniyadda Qaranka ee 2025.

Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo kulanka soo xirtay ayaa sheegtay in guddiyada maaliyadda ee labada golle loo gudbinayo warbixinta xisaab xirka sanad maaliyadeedka 2023 iyo xeerka qoondaha Miisaaniyadda Qaranka ee 2025,si ay waajibaadkooda uga soo gutaan

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More