Baarlamaanka Turkiga oo ansixiyay in Ciidamadiisa Badda la geeyo Soomaaliya
Jul 27 (Jowhar.com)-Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa maanta ansixiyay soo jeedinta Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ee ah in ciidamo badda ah loo diro Soomaaliya, si ay qeyb uga noqdaan fulinta heshiiska Difaaca iyo Dhaqaalaha ee labada dal.
Muddada sharciga ah ee Baarlamaanka ay ansixiyeen ayaa ah labo sanno, wuxuu u baahan doonaa in waqtigaa dib loo cusboonaysiiyo.
Arrintan ayaa ka dhigan tallaabo muhiim ah oo lagu fulinayo heshiiskii iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee dhaxmaray Somalia Türkiye.
Dowlada Soomaaliya ayaa soo dhaweysay ansixinta heshiiska ay wada galeen Soomaaliya iyo Turkiga.
Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ka hadlay go’aankan ayaa sheegay in iskaashigan uu ka tarjumayo sida ay uga go’an tahay labada dal in ay horumariyaan iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo difaaca.
Go’aankan ayaa daba socda heshiiskii difaaca iyo iskaashiga dhaqaalaha ee labada dal kala saxiixdeen 8-dii February ee sanadkan.