Banaanbax lagu taageerayo doorasho qof iyo cod ah oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

Nov 26  ( Jowhar)Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa ka qeyb-galay isku soo bax balaaran oo Bulshada Caasimadda Muqdisho ay ku taageerayeen Go’aankii labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ku meel mariyeen xeerarkii Doorashooyinka, Xisbiyadda iyo Guddiga Doorashada iyo Sohdimaha dalka.

Sidoo kale kumanaanka shacab ee isugu soo baxay Taalada Daljirka Dahsoon ayaa waxa ay cod dheer ku taageereen go’aanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumada Dan-Qaran ee ah in dalka uu aaday Doorasho Qof iyo Cod, si muwaadinka uu u helo xuquuqdiisa dastuuriga ah ee uu ku dooran karo madaxda dalka.

Duqa Muqdisho ayaa shacabka ugu baaqay isku duubni iyo in lagu kalsoonaado Doorasho qof iyo cod si muwaadin kasta oo codkiisa u dhiibto, iyadoona isku soo baxa ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, Madaxda Ururada Dhalinyarada, Haweenka iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada Caasimadda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More