Beesha Caalamka oo fariin culus u dirtay madaxweynaha Jubaland
Nov 20 ( Jowhar)-Saaxiibbada Beesha caalamka ah ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay Jubbaland in ay dib ugu laabato madasha Golaha Wadatashiga Qaran si loo xalliyo arrimaha u dhaxeeya Jubbaland iyo DFS.
War-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen ayay Beesha caalamku ku booriyeen Jubbaland in aysan ku degdegin dhammeystirka hannaan doorasho ka hor inta laga dhammaynayo arrimaha taagan.
Waxaa dhammaan dhinacyada loo soo jeediyay in ay ka fogaadaan wax kasta oo xaaladda uga sii daraya, isla markaana ay waqti siiyaan soo-celinta xiriirka iyo wada-xaajoodyada furan oo horseedi kara horumarinta ajandaha dawlad-dhiska iyo gaarista himilada hor-u-socodka ah ee qabashada doorasho qof iyo cod ah oo la isku wada raacsan yahay.
Sida lagu xusay war-murtiyeedka, waxa ay Beesha caalamka ay hoosta ka xarriiqeen in ay Soomaaliya ku taageerayaan ajandayaasha doorashada Qof iyo Codka ah, kaas oo ay ku tilmaameen mid u baahan kasbashada taageero dadweyne iyo mid siyaasadeed oo ku imaan kara horumarinta hannaanka doorashada, samaynta jadwal dhaqangal ah oo caddeynaya xilliga ay wax kasta qabsoomi karaan oo dammaanad qaadaya nabadgaliyo iyo xasillooni qaran.