Beesha Caalamka oo si kulul uga hadashay qaraxii lagu weeraray madxaweyne Xasan Sheekh
Mar 19 (Jowhar)-Beesha Caalamka ayaa si kulul uga hadashay weerarkii dadka 6-da qof lagu dilay ee ka dhacay Isgoyska Ceelgaabta ee degmada Xamar.
Ingiriiska, Qatar, Sucuudi Carabiya, Ukraine, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa warsaxaafadeedyo ay soo saareen ku cambaareeyay weerarkii ay kooxda argagixisada ah ee ku beegsadeen gaadiidkii sagootinayay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo u safray furimaha dagaalka ee Shabeellaba Dhexe iyo Hiiraan.
Waxa uu taageero u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyagoo ka digay dhibaateynta shacab aan waxba galabsan.
Dadka weerarkan lagu dilay oo rayid u badnaa waxaa laba kamid ah ay ahaayeen suxufiyiin, majirto cid loo xiray falkan.