Bisha Ramadaan oo laga arkay wadamo badan oo caalamka ah
Feb 28(Jowhar)- Bisha Ramadaan ayaa laga arkay dalal badan oo caalamka iyadoo dalka Soomaaliya uu ka mid yahay wadamada laga soomayo 1da bsiha Marso 2025.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Sh Mukhtaar Roobow ayaa qalabka warbaahinta kala hadlay bulshada Soomaaliyeed isagoo sheegay in laga arkay bisha Ramadaan magaalada Afgooye,Hargeysa iyo Burco. Waxana uu xaqiijiyye in maalinta beri ay tahay kowda bisha Ramadaan.
Wasiirka ayaa isagoo la hadlayey Warbaahinta Qaranka Sheegay in deegaano kala duwan laga arkay bilashada Bisha barakaysan ee Ramadaan.
Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa ku dhawaaqday in beri oo Sabti ah taariikhdana ku beegan tahay 1-da bisha Marso ay tahay maalinta koobaad ee bisha barakeysan ee Ramadaan.
Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Xarameynka ayaa lagu sheegay in beri ay tahay maalin soon ah, waxa ayna sheegeen in gudaha Sacuudiga laga arkay curashada bisha Ramadaan.