Blinken oo dib u dhigay safar Shiinaha uu ku tagi lahaa sababo la xiriira buufin basaas ah

Feb. 03 (Jowhar.com)-Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa dib u dhigay safar uu ku tagi lahaa dalka Shiinaha kadib markii la helay buufin laga leeyahay dalka Shiinaha oo dul heehaabaya dalka Maraykanka.

Mr Blinken ayaa la filayay inuu la kulmo dhiggiisa Shiinaha, waxaana suuragal ahayd inuu la kulmo madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping. Booqashadan ayaa imaan lahayd iyadoo ay cirka isku sii shareereyso xiisadda u dhaxeysa labada dal.

Shiinaha ayaa sheegay in buufinta loo isticmaalo cilmi baarista saadaasha hawada oo uu ka leexday dariiqii loo mari jiray cimilada oo xun awgeed.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa lagu sheegay in ay ka xun yihiin falkaasi, ayna kala shaqeyn doonaan Mareykanka sidii loo xalin lahaa arrintan.Booqashada Mr Blinken ayaa la filayay inay dhacdo 5 iyo 6 Febraayo.

Sarkaal Mareykan ah oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee AP ayaa sheegay in go’aanka si lama filaan ah loogu hakiyay safarka ay gaareen Mr Blinken iyo madaxweyne Joe Biden.

Afhayeenka Pentagon-ka ee Ciidanka Cirka Sarreeye Guuto Patrick Ryder ayaa Khamiistii u sheegay wariyeyaasha in dowladdu ay dabagal ku samaynayso buufin dulmaraya qaaradda Mareykanka, wuxuuna yiri; “Buufinku waxa uu marayay meel fog oo ka sarreysa taraafikada hawada, mana soo jirin ciidan iyo dad jooga dhulka inay halis ku tahay .”

Hogaamiyaasha milatariga Mareykanka ayaa ku fikiray in ay ku soo ridaan buufinta oo dul maraysay Montana Arbacadii laakiin madaxweyne Joe Biden ka soo horjeestay khatarta ka iman karta burburka buufinka awgeed.

Xiriirka u dhexeeya Shiinaha iyo Maraykanka ayaa xumaaday sannadihii u dambeeyay, gaar ahaan wixii ka dambeeyay markii Afhayeenka Aqalka Wakiilada Nancy Pelosi booqashadii ay ku tagtay Taiwan bishii Ogosto, taas oo keentay dhoolatus milatari oo Shiinuhu ka sameeyay meel u dhow jasiiradda Taiwan. Tan iyo markaas, Washington iyo Beijing waxay isku dayayeen inay si joogta ah u wada xiriiraan oo ay ka hortagaan xiriirku inuu xumaado.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More