Booliska Canada oo baaraya cida dishay nabadoon Soomaali ah oo meydkiisa la raadinayay 60 cisho

Feb. 02 (Jowhar.com)-Cali xuseen Jibril oo ka mid ahaa wax garadka Soomalida lana la’aa tan iyo bilowgii bishii December ayaa Arnacadii maydkiisa laga helay koofurta magaalada Edmonton ee gobalka Alberta.

Ciidamada booliska ee Edmonton oo tan iyo markii ninkaan la waayay waday baadi-goob ayaa ehelada Ali Hussein u sheegay in ay heleen maydkiisa oo gaari ku dhex jira.

Lama garanayo nooca gaarigu yahay iyo waxa ka danbeeya dilkiisa toona, waxaana ciidamada boolisku wadaan baadhitaan arrintaas kusaabsan.

Bilowgii bishii December ayaa ninkaan la waayay kadib markii uu carruurtiisa geeyay iskuul aan ka fogayn gurigiisa, waxaana markaa kadib gurigiisa hortiisa laga helay gaarigiisii iyo telephone-kiisii.

Arrintaan ayaa noqotay mid ku cusub somalida kunool Edmonton iyo guud ahaan Canada, waxayna ku abuurtay argagax iyo cabsi.

Ilaa hadda bulshada Somalida ah ee kunool Edmonton ayaa ka warsugaya natiijada kasoo baxda baadhitaan, waxayna sheegeen inay la xiriireen booliska balse wax faah faahin ah oo ku aadan cidda ka dambaysay dilka ninkaan aysan ciidamadu la wadaagin.

Cali Xuseen, wuxuu ka tagay saddex caruur ah iyo hooyadood, wuxuuna Canada kunoolaa in ka badan 20 sano.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More