Booliska Jarmalka oo u xirey wiil 15 jir ah weerar loo adeegsaday Mindi oo lagu diley 3 ruux
Aug 24(Jowhar)- Booliska dalka Jarmalka ayaa u xiray wiil 15 jir ah weerar mindi loo adeegsaday oo lagu dilay 3 ruux oo ka dhacay magaalada Solingen ee galbeedka dalka Jarmalka.
Wiilkan ayaan ahayn qofka lagu tuhunsan yahay inuu weerarka ka dambeeyay kaasi oo baxsaday,hase yeeshee waxaa lagu eedeeyay inuu horay wax uga ogaa weerarka.
Weerarkan oo dhacay Jimchii shalay ayaa waxaa ku dhintey labo nin iyo haweeney halka dhowr kalana ay ku dhaawacmeen.
Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka. Isla markiiba ma aysan soo bandhigin wax cadeymo ah, mana cadda sida uu xiriir dhow ula lahaa ninka weerarka geystay.
15-jirka ku xiran kiiska ayaa la xiray saaka ka dib markii laba dumar ah ay sheegeen in ay maqleen sheeko dhex martay isaga iyo qof labaad oo ay ka wada hadlayeen weerarka.
Baarayaashu waxay wali isku dayayaan in ay cadeeyaan cidda dhabta ah ee fulisay weerarka.
Ninka weerarka geystay ayaa la sheegay in uu toori ku weeraray dad wadada marayay intii ay socotay xaflad lagu xusayay 650 sano guuradii ka soo wareegaya markii la aasaasay magaalada warshadaha ee Solingen.
Booliska ayaa xaqiijiyay in qofka weerarka geystay uu bartilmaameedsaday dhuunta iyo luqunta dadka.
Hoggaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz ayaa sheegay in loo baahan yahay in si deg deg ah loo qabto gacan ku dhiiglaha, lana ciqaabo sharcigana la waafajiyo.
Wasiirka arrimaha gudaha Nancy Faeser ayaa muujisay sida ay uga xun tahay falkan, iyadoo intaa ku dartay in mas’uuliyiinta ammaanku ay sameynayaan wax walba oo ay awoodaan si ay u soo qabtaan dambiilaha, ayna ogaadaan asalka weerarka.
Solingen waa magaalo ku taal North Rhine-Westphalia, oo caan ku ah warshadaha birta – waxaa kunool illaa 160,000 oo qof. Waxay u jirtaa 15 mayl (25km) bari magaalada Düsseldorf.