Booliska Kenya oo gacanta kusoo dhigay ninka loo heysto dilka sadeex Soomaali oo isku qoys ah

Nov 03  (Jowhar)-Booliska Kenya ayaa shaaciyay inay gacanta ku dhigeen ninkii ka dambeeyay dilka saddex qof oo isku qoys ahaa oo dhowaan ka dhacay magaalada Nairobi.

Ninkan ayaa laga soo qabtay goob uu ku dhuumaaleysanayay oo ku taalla xaafadda Islii, iyadoo dambi-baarayaashu ay kaashadeen bulshada Soomaalida iyo Itoobiyaanka ee ku sugan Nairobi.

Saraakiisha dambi-baarista ayaa sheegay in baaritaannadu muujinayaan in ninkan uu si sharci-darro ah ku qaatay kaarka aqoonsiga Kenya.

Sidoo kale, waxay tilmaameen in dembiilahan la soo xiray uu hore uga tirsanaa booliska gobolka Itoobiya, isla markaana horey loogu eedeeyay dilka xaaskiisa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More