Booliska Kenya oo qabtay nin diley 42 haween ah
Jul 15 (Jowhar.com)-Booliiska dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay nin lagu eedeeyay dilka haween badan oo Kenyan ah, dilkan ayaana dhacay sannado iyo bilo kala duwan, waxaana horey loo aqoonsan waayay dilaaga haweenkaasi badan dilay.
Ninkan ciidamada booliiska Kenya qabteen ayaana qirtay in uu masuul ka ahaa dilka 42-haween ah, waxaana haweenka badan uu ninkan manaxaha ah dilay ay ku jirto haweeney uu qabay oo xaaskiisa aheyd sida booliiska sheegeen.
Eedeysanaha ayaa magaciisa lagu sheegay Collins Jomaisi Khalisia, oo 33 jir ah, waxa uuna ninkan qirtay in uu dilka geystay laga soo bilaabo 2022-kii isaga oo sheegay in uu si gaar ah u bartilmaameedsanayay gabdhaha qurxoon.
Ninkan xarigiisa ayaa yimid , kaddib markii maalintii Jimcaha goob qashin qub ah oo kutaalla magaalada Nairobi laga helay meydadka sagaal qof oo jawaanno lagu soo qariyay, waxaana baaris la sameeyay ay horseeday in lasoo qabto dilaaga.
Dhacdadan argagaxa leh ayaa si weyn looga hadal hayaa gudaha dalka Kenya, waxaana sheekooyinkan argagaxa leh lagu baahiyay baraha bulshada iyo warbaahinta dalka Kenya, dad badan ayaana siyaabo kala duwan uga falceliyay.
Tuhmanaha oo in ka yar hal kiilomitir u jira qashin qubka Kware laga soo qavtay, oo laga soo helay illaa 8 meyd oo haween la jarjaray.
Sidoo kale waxaa gurigiisa laga helay 12 jawaan oo la mid ah kuwa lagu daboolo meydadka laga helay goobta qashinka lagu daadiyay.
Muujintan ayaa ku soo beegantay xilli ay DCI-du sii wadeyso baaritaanka meydadka dheddigga la jarjaray ee laga soo saaray goobta kaawada iyadoo xubnaha qoyska iyo warbaahinta lagu casuumay inay ka qaybqaataan