Booliska Muqdisho oo gacanta ku dhigay koox dil iyo dhaawac ka soo geysatay Puntland
Jan. 24 (Jowhar.com)-Ciidanka Booliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir ayaa xalay abaara 10:30AM Habeenimo gacanta ku dhigay Koox Eedeysanayaal ah oo dil iyo dhaawac Kasoo geystay Magalada Garowe ee xarunta Dowlad goboleedka Puntland, Kadibna usoo baxsaday Magalada Muqdisho.
Kooxdaan oo ka kooban sedex rag ah ayaa Magaalada Garowe kusoo dilay Muwaadin lagu Magacaabi jiray Cabdullaahi Jeylaani, sidookale soo dhaawacay Muwaadin Hanad Xasan Cawil.
Taliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir oo horay loogu soo gudbiyay xogta eedeeysanyaashan ayaa xalay waxaa qabtay Ciidanka Booliska Saldhigga Degmada Shibis oo labo kamid ah ka qabtay isla guri ku yaala Degmada Shibis, halka midka kalena laga qabtay Degmada Xamar-Jajajb.
Eedeeysanyaashan ayaa la hor geynayaa Maxkamadaha dalka si loogu fuliyo Xukunkooda.