Booliska Muqdisho oo gacanta kusoo dhigay tiradii ugu badneyd ee Ciyaal Weero

Booliska Muqdisho oo gacanta kusoo dhigay tiradii ugu badneyd ee Ciyaal Weero

Mar. 19 (Jowhar.com)-Ciidanka Booliska Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa howlgal ku soo qabtay tiradii ugu badnayd oo ciyaal-weero ah, kuwaas oo watay tooreeyo iyo baangado ay dadka ku dhibaateyn jireen.

kooxdaan ayaa lagu eedeeyey inay ku howlanaayeen dhibaateynta shacabka ku nool deegaankaas, waxaana la soo bandhigay agabkii ay wateen.

Ciidanka ayaa kooxdaan ka qabtay waaxda Jabad-gelle ee degaanka Ceelasha Biyaha, waxaana dhamaantood lagu soo xiray saldhigga guud ee deegaanka.

“Howlgalada ka dhanka ah Ciyaal-weerada iyo Burcadda ayaa si wanaagsan u socda, waxaana Taliska Booliska Qeybta Guud ka go’an sii laba jibaaridda howgaladaan, si ammaanka bulshada uu u noqdo mid sugan,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.

Howlgalkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee lagu soo qabto tiro intaas la eg oo ciyaal weero ah, shacabka ayaa arrintan si aad ah usoo dhaweeyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More