Booliska Muqdisho oo xabsiga dhigay Wariye Soofeysane
Apr 12 (Jowhar) Ciidamada booliska gobolka Banaadir ayaa goordhow xiray wariye Maxamuud Cabdi Naasir Soofeysane oo ahaa Agaasime kuxigeenka TV-ga iyo Raadiyaha Shabelle.
Wariyaha oo looga yeeray saldhigga degmada Xamarweyne ayaa marka uu tagay loo sheegay inuu xiran yahay, iyadoo wararku tilmaamayaan in loo heysto qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook oo uu ugaga hadlayay xariga Siyaasi ay dowladda xirtay kaasoo beri maxkanad la horgeynayo.
“Guddoomiye Cabdiraxmaan iyo Dimuqraadiyadii oo habeenkii 10-aad iskula xiran Saldhiga Xamarweyne ayaa berri Maxkamada la isla geyndoonaa. Dalka Doorasho qof iyo cod ah ayuu aaday, dimuqraadiyadiina saldhiga Xamarweyne ayey kaneeco ku cunaysaa” ayuu ku yiri qoraalka uu baahiyay bartiisa gaarka ah ee Facebook.
Majirto wax war ah oo ay booliska kasoo saareen xarrigan, waxaana isa soo taraya baaqyada ku aadan in suxufiga uu dib u helo xoriyadiisa.