Booliska oo xabsiga dhigey Weriye Cali Nuur Salaad

Ciidamada Booliska gobolka Banaadir ayaa xirey weriye Cali Nuur Salaad oo ah weriye caan ah iyadoo lagu xirey saldhigga Booliska degmada Waaberi.
Qoraal ay soo dhigeen ciidamada booliska bartooda ayay ku sheegeen in Cali Nuur Salaad Xasan oo ah 38 jir loo xirey falal la xiriira Anshax-daro iyo been-abuur.

Hase yeeshee ciidamada Booliska ma aysan cadeyn falalka anshax darada iyo been abuurka uu ku kacay weriye Cali Nuur Salaad.

Ciidamada Booliska gobolka Banaadir ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay xabsiga dhigay dhalinyaro badan iyagoo ku eedeeynaya anshax darro. Mana jirto Maxkamad dhagaysatay dacwadaha loo xirey dadka ay ciidamada xireen.

Weriye Cali Nuur Salaad ayaa ka mid ahaa dhalinyaro si weyn ugu ololeynayay in la doorto madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xariga weriye Cali Nuur Salaad ayaa ka dhigan in dowlada Soomaaliya haatan aysan tixgelin siineyn xuquuqda aadanaha iyo xeerarka caalamiga ah ee la xiriira xuquuqda qofka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More