Booliska Puntland oo qabtay rag watay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn

Aug 26(Jowhar)-Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen 7 nin iyo illaa shan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee is qarxiya.

War kooban oo ka soo baxay Taliska Booliska Gobolka Nugaal ayay ku sheegeen in ay gacanta ku dhigeen 7 nin oo ku eedaysan in ay ka tirsan yihiin kooxaha Argagixisada ah

Wararka ayaa sheegaya in xubnaha a qaarkood lagu qabtay dayaaradaha aan duuliyaha lahaynah, gaar ahaan nooca is qarxiya ee loo yaqaanno Kamikaze.

Dayaaradahaas droneka oo Yemen aad looga isticmaalo ayaa la aaminsan yahay in Puntland ay ka soo galeen dhanka magaalada Boosaaso, waxaana xilliga la qabanayey loo sii waday magaalada Gaalkacyo.

Raggan iyo qalabka ay wateen ayaa lagu qabtay wadada u dhexeysa magaalada Garowe iyo Gaalkacyo.
Diyaaradaha duuliyaha aan lahayn ayaa tiradooda lagu sheegay 5 dayaaradood waxaa hadda gacanta ku haya ciidanka amniga ee Puntland.

“Ciidanka Booliska gobolka Nugaal ayaa gacanta ku dhigey 7 nin oo ku Eedaysan iney ay ka tirsan yihiin Kooxaha Argagaxisada ah” ayaa lagu yiri warkaasi uu soo saaray Booliska.

Booliska Puntland ayaa waxay intaasi sheegeen in saddex kamid ah kooxda la qabtay loo gudbiyay xabsiga dhexe ee Garoowe balse midkood isku dayay in uu iridda xabsiga ku baxsado islamarkaana dhaawac uu soo gaaray.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More