Booliska Somaliland oo xiray 9 qof oo jarjaray boorarka Xisbiyo

Oct 15 (Jowhar)-Booliska Somaliland ayaa sagaal qof u xidhay boodhadhka xisbiya oo ay jarjareen.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay booiska, Dadka intooda badan waxa lagu xidhay magaalooyinka Burco iyo Hargeysa.

Warka Booliska waxaa lagu sheegay in dadkani ku kaceen falal dembi ah islamarkaana Maxkamad la horgayn doono.

Waxa ay ugu baaqeen taageerayaasha xisbiyada iyo Ururrada in ay ilaaliyaan anshaxa iyo nidaamka ololaha Doorashada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More