Booliska Soomaaliya oo si adag uga hadlay dagalkii shalay ka dhacay magaalada Kismaayo
Nov 24 ( Jowhar) Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa si kulul uga hadlay shaqaaqadii shalay la dhacday magaalada Kismaayo, halkaasoo ay ku dagaalameen ciidanka Jubaland iyo kuwo ilaalo u ahaa Senator Ilyaas Gaboose.
Qoraal kasoo baxay ciidanka booliska ayaa lagu sheegay iney baaritaano ku wadaan qaabka wax ay u dheceen, waxeyna sheegeen iney ka xun yihiin sarkaalka ku geeriyooday dagaalkaasi.
“Taliska waxa uu wada baaritaan dheeraad ah oo ku saabsan sida ay u dhacday shaqaqadaas sarkaalkaas ku nafwaayay , waxaana lala tiigsan doonaa cid kasta oo ku lug yeelata sharciga waxaana laga qaadi doonaa talaabo adag” ayaa lagu yiri warka booliska
Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa maanta eheyd mid dagan, iyadoo musharixiinta uu ku jiro Axmed Madoobe au khudbado u jeediyeen baarlamaanka oo beri u balansan doorashada madaxweynaha.