Booliska Soomaaliya oo xiray qaar kamid ah wariyayaasha Five Somali TV

Apr 01(Jowhar) Ciidanka booliska Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay Afar kamid ah shaqaalaha TV-ga madaxa banaan ee 5 Somali TV, iyagoo laga kaxeystay xaruntooda oo ku taala degmada Hodan.

Sida wararku tilmaamayaab, Saddex Wariye iyo hal Kaamiro Man ayaa laga kaxeystay xafiiska, waxaana hore loosii qaatay Computero iyo Kaamiroyin, sida uu inoo sheegay Agaasimaha TV-ga Fu’aad Xaaji Cabdi Wali.

Sida Agaasimaha uu xaqiijiyay, Ciidan ka socday C.I.D ayaa xoog ku galay xarunta oo xiligaasi shaqada maalinlaha ah ay ka socotay.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in xarriga iyo weerarka xarunta ay ka danbeysay kadib markii baraha TV-ga lagu baahiyay magacyada 145 sarkaal oo taliyaha booliska uu Baafin saaray, kadib markii ay kasoo carareen furimaha hore ee dagaalka ka dhanka ah Shabaab.

Booliska ayaa ka carooday faafinta warqadan taasoo keentay iney xirxiraa. Shaqaalaha TV-ga.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More