Boqol kun oo ruux oo laga daadgureeyay Dab ka kacay magaalada Los Angeles

Jan 08 (Jowhar)-In ka badan 100,000 oo qof ayaa laga daadgureeyay iyadoo dabka oo dabaylo wata oo ku faafay agagaarka magaalada Los Angeles iyadoo la sheegay in labo ruux ay geeriyoodeen.
Ku dhawaad 1,000 dhismayaal ah ayaa ku burburay dabka  weyn oo ka kacay degmada caanka ah ee Palisades Pacific ee Los Angeles, sida ay sheegeen saraakiisha dab-damiska.

Sida laga soo xigtay Waaxda Kaymaha iyo Ilaalinta Dabka ee California (CAL FIRE), dabku wuxuu bilaabmay 10:30am (18:30GMT) Talaadadii ee Pacific Palisades, halkaas oo ku dhawaad 1,200 hektar (3,000 acres) ku gubatay.

Seddex dab ayaa qabsaday deegaanka Los Angeles ee koonfurta California, kaasoo ku qasbay tobanaan kun oo qof inay ka cararaan guryahooda.

Dabaylo xooggan ayaa ka caawinaya in dabka uu faafo oo ay adkeyd in la xakameeyo.
Sida laga soo xigtay Waaxda Kaymaha iyo Ilaalinta Dabka ee California, dabku waxaa uu gaaray ilaa 2,285 hektar (5,648 acres).

Duqa magaalada Los Angeles Karen Bass ayaa ku boorisay dadka deegaanka inay dhagaystaan digniinaha maxalliga ah, oo ay feejignaadaan .

Ku dhawaad 1,000 dhismayaal ah ayaa ku burburay dab weyn oo ka kacay aagga Palisades ee Pacific-ga ee Los Angeles, sida ay sheegeen saraakiisha dab-damiska.

“Waxaan haynaa in ka badan 5,000 oo hektar oo gubtay, dabkuna wuu sii kordhayaa,” Madaxa Dab-damiska Los Angeles Anthony Marrone ayaa u sheegay suxufiyiinta.

Duqa magaalada Los Angeles Karen Bass ayaa ku dhawaaqday in howlgallada hawada ee ka dhanka ah dabka ay dib u bilowdeen ka dib markii la joojiyay sababo la xiriira cimilada oo kacsaneyd.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More