Boqolaal ruux oo dhaawacyo ay ka soo gaareen qalabka Isgaarsiinta dalka Lubnaan
Sep 17 (Jowhar)-Inka badan toban ruux ayaa ku dhimatay ku dhawaad 2,750 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii ay ku qarxeen qalab isgaarsiinta gacanta laga isticmaalo gudaha dalka Lubnaan.
Wasiirka Caafimaadka Lubnaan Firass Abiad ayaa sheegay in in ka badan 200 oo qof ay ku sugan yihiin xaalad halis ah kaddib markii aaladaha isgaarsiineed ay qarxeen in ka badan 150 isbitaal ayaa la tacaalaya dhibanayaasha, iyadoo dhaawacyada inta badan laga soo sheegay wejiga, gacmaha iyo caloosha.
Dadka waxyeelada soo gaartay ayaa waxaa ay ka tirsanaayeen dagaalamayaasha ururka Xisbullah.
Ururka Xisbullah ee Lubnaan ayaa Israa’iil ku eedayay qaraxyada iyaga oo sheegay in ay heli doonaan ciqaab adag, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay kooxda ay Iran taageerto oo ku dhawaad maalin kasta rasaas is weydaarsanaysay Israa’iil muddo sannad ku dhow.
Wakaalada wararka ee dalka Lubnaan ayaa sheegtay in qaraxyo ay ka dhaceen duleedka koonfureed ee magaalada Beyruut iyo deegaano kale oo dhowr ah. TV-ga Al-Manar ee Xisbullah ayaa sidoo kale sheegay in qalabka gacanta ee askarta isticmaalaan ay ku qarxeen, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.
Ma jiro wax hadal ah oo ku saabsan qaraxyadan oo ka soo baxay militariga Israa’iil.
Sarkaal ka tirsan Xisbullah, ayaa sheegay in qaraxyada ka dhashay qalabka isgaarsiinta uu ahaa xadgudubkii ugu weynaa ee dhanka ammaanka ee ay kooxdu soo wajahdo tan iyo 7-dii October, markaas oo uu billowday dagaalka Israa’iil ee Gaza, kaddib weerarradii Xamaas ay ku qaadday Israa’iil.
Safiirka Iran u fadhiya Lubnaan, Mojtaba Amani, ayaa ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay sida wakaaladda wararka Iran ee Mehr ay sheegtay.
Hoggaamiyaha Xisbullah Hassan Nasrallah ayaa ugu baaqay dhowr bilood ka hor dagaalyahanadiisa inaysan isticmaalin taleefanada casriga isagoo sheegay in Israaiil ay haysato tiknoolajiyad ay dhibaato ugu geysan karto.