Burundi oo diiday iney qeyb ka noqoto howlgalka cusub Midowga Afrika ee Soomaaliya

Dec 29  ( Jowhar) Dowladda Burundi ayaa markii ugu horaysay xaqiijisay in ay ka hartay howlgalka midowga Africa ee Soomaaliya ka dib “markii ay ku qanciwaysay tirada ciidanka loo qoondeeyay”

Burundi ayaa go’aankeeda ku wargalisay gudoomiyaha guddiga amniga iyo Nabada ee midowga Africa oo hada ay ku fadhiso Jabuuti.

Burundi ayaa dalbatay in howlgalka cusub loogu daro 2,000 oo askari halka Soomaaliya ay sheegtay in ay u qoondaysay 1000 askari taasi waxa ay sababtay go’aanka Burundi.

Go’aanka Burundi ayaa saameyn ku yeelan kara diyaargarowga howlgalka AUSSOM si ay u gudato waajibaadkeeda. Burundi ayaa haatan ka mid ah dalalka hormuudka ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More