Buuq ka dhashay lacago ay diyaaradaha kusoo rogtay DFS oo hakad galiyay duulimaadyadii garoonka Muqdisho

Jan 22 (Jowhar)-Rakaabkii ugu badnaa oo safar u ahaa maanta gobolada dalka ayaa ku xayiran garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Hal diyaarad marka laga reebo ma jiro wax dulimaad ah oo saaka baxay.

Khilaaf u dhaxeeyo shirkadaha diyaaradaha iyo Maamulka Garoonka oo Wasaarada Duuliska ay la socota ayaa sabab u ah hakinta dulimaadyadii maanta ee garoonka Aadan Cadde.

Lacago dheraad ah oo ah oo lagu soo rogay shirkadaha diyaaradaha ayeeyna cabashadoodu daaran tahay. Sidoo kale Nairobi rakaab ayaa ku xayiran kuwaas oo Muqdisho u soo socday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More