C/raxmaan C/shakuur oo ka falceliyay fariintii madaxweyne Deni

Sep 24 (Jowhar)Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ah mudane ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka falceliyay fariintii xalay uusoo diray madaxweynaha Punland Siciid Deni.

Mr. Warsame oo qoraal ku daabacay bartiisa Facebook ayaa sheegay in madaxda dowladda federaalka ay ka faa’ideystaan fursadan oo ay qaataan wadahadalka uu Deni iclaamiyay.

“Farriinta Madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu ku baaqay ee ah in maamulkiisu diyaar u yahay wadahadal, waa fursad ay tahay in madaxda dowladda federaalka ah ka faa’iidaystaan” ayuu yirk Xildhibaanka.

C/raxmaan C/shakuur Warsame  ayaa ku sababaeeyay doodiida in xiligan aysan jirin waqti ay Soomaaliya uga baahi badan tahay iney midnimo iyo wadajir ku wajahdo damaca Itoobiya iyo dagaalka Shabaab.

“sababtoo ah ma jirto xilli ay maanta Soomaaliya uga baahi badan tahay midnimo iyo wadajir dhexdeeda ah oo ay ku wajahdo damaca shisheeye iyo dagaalka argagaxisada” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Si kastaba, majirto wali wax war ah oo ay dowladda Soomaaliya kasoo saartay soo jeedinta madaxweyne Deni, xili khikaadka labada dhinac uu gaaray meeshii u sareysay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More