Cabdi Xaashi iyo Saalax Jaamac oo heshiis ka gaaray buuqa kursiga UH50

Oct 14 (Jowhar)Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Senator Saalax Jaamac ayaa si wadajir ah heshiis uga gaaray khilaafkii shaqsiga ee u dhaxeeyay, kaasoo sabab u ahaa kursiga #UH50 ee uu Guddoomiya Cabdi Xaashi sheegay inuu bannaan yahay, maadaama uu Senator Saalax Jaamac aanu soo xaadirin afar kalfadhi, sidaasna ku waayay xubinnimada Aqalka Sare.

Hase ahaatee dadaalo siyaasadeed oo labada dhinac loogu kala dabqaadayay, laguna xalinayay khilaafkaas oo Xafiiska Madaxweynaha iyo kan Ra’iisul Wasaraaha qeyb ka ahaayeen ayaa lagu guuleystay in la xaliyo, iyadoo Cabdi Xaashi ka tanaasulay go’aankiisa maamul ee kursigaas ka soo saaray, sidaas darteed uu senator Saalax Jaamac uu sii wadanayo xilkiisa Senatarnimo.

War saxaafadeedyo ay labada mas’uul soo saareen ayay ku shaaciyeen heshiiska ay gaareen:

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More