Cabsi laga qabo dagaal toos ah oo dhex mara Israil iyo Xisbullah oo xoogeystey
Jul 27 (Jowhar.com)-Israa’iil ayaa ku hanjabtay in ururka Xisbullah ay ka qoomameyn doonaan weerar ka dhacay garoon kubbadda cagta ee lagu dilay 12 carruur ah taasoo ay ku eedeysay inay ka dambeysay.
Israa’iil ayaa ku hanjabtay in Ururka Xisbullah ay ka qoomameyn doonaan kadib markii ay ku eedeysay weerar gantaal oo lagu qaaday buuraha Golan ee ay Israa’iil haysato taasoo ay ku dhinteen 12 carruur ah.
Arrintan ayaa dhalisay inay sare u kacdo cabsi laga qabo in dagaal loo dhan yahay uu ka qarxo gobolka.
Hezbollah ayaa si adag u beenisay inay ka dambeysay weerarka, oo ah kii ugu dhimashada badnaa ee lagu laayo Israel ama dhulka ay maamusho Israel tan iyo weeraradii 7-dii October.
Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa duqaymo dhanka cirka ah ku qaaday bartilmaameedyada Hezbollah ee gudaha Lubnaan iyo xuduuda habeenimadii Axadii, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay militariga subaxnimadii Axada.
Illaa hadda ma cadda in uu jiro khasaare ka dhashay duqeymahaasi.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa taageeray sheegashada Israa’iil, isagoo sheegay ee ah in weerarku ahaa gantaal ay soo tuurtay Xisbullah.
Qaar ka mid ah 20,000 oo Druze Arab ah ayaa ku nool Buuraha Golan, oo ah aagga Israa’iil ee laga qabsaday Suuriya 1967 intii lagu jiray dagaalkii lixda maalmood socday.
Inta badan Druze meeshaas waxay u aqoonsadaan inay yihiin Suuriya waxayna diideen soo jeedinta dhalashada Israel.
Golaha deegaanka ee Majdal Shams ayaa Axaddii sheegay in 12-ka carruurta ah ee la dilay midkoodna uusan haysan dhalashada Israel.
Boqolaal dadweyne ah ayaa isugu soo baxay maanta oo Axad ah waddooyin ay ka qeyb galayaan aas lagu maamuusayo dadkii ku dhintey duqeynta.
Israa’iil iyo Xisbullah ayaa maalin walba isku tuurtuurayay gantaallada tan iyo markii ay Xamaas weerartay Israa’iil 7-dii bishii Oktoobar, waxaana is-weydaarsigaas uu noqday mid aan xasilloonayn, taasoo dhalisay cabsi dhowr jeer ah oo ah in dagaalka Israa’iil ay kula jirto Xamaas ee Gaza uu u wareego dagaal dhinacyo badan oo Bariga Dhexe ah.
Iyadoo Hezbollah ay qiratay inay duqaysay Buuraha Golan Sabtidii, haddana way diiday mas’uuliyadda weerarka Majdal Shams.
“Waxaan xaqiijineynaa in iska caabinta Islaamku aysan wax xiriir ah la lahayn dhacdada si kastaba ha ahaatee, waxayna si adag u beenineysaa dhammaan sheegashooyinka been abuurka ah ee arrintan la xiriira,” ayaa lagu yiri bayaan.
Bayaan uu soo saaray afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Nasser Kanaani Iran ayaa uga digtay Israa’iil wax kasta oo lagu beegsanayo Lubnaan.
Wasiirka arrimaha dibadda Masar ayaa ka digay khatarta ka dhalan karta furin dagaal oo cusub oo Lubnaan ah.