Cadaanka Koofur Afrika oo si cad u diiday qorshaha Trump uu ku doonayo in loo raro Mareykanka

Feb 09(Jowhar)Kooxo matalo qaar ka mid ah caddaanka laga tirada badan yahay ee Koonfur Afrika ayaa Sabtidii ka jawaabay, qorshe uu madaxweyne Donald Trump ku doonayo in dadkaas dib u dajin qaxootinimo loogu soo raro dalkaan Mareykanka.

Hase yeeshee, laba urur oo matal caddaanka Koofur Africa ayaa ku jawaabay, “waad mahadsantahay laakin maya”. Waxay sheegeen in aysan qaada doonin dalabka Trump ee dib u dajinta caddaanka South Africa loogu sameynayo Mareykanka.

Qorshahan ayaa lagu faahfaahiyay wareegto madaxweyne oo uu Trump saxiixay Jimcihii, taas oo lagu joojiyay dhammaan gargaarka iyo kaalmada dhaqaale ee uu Mareykanka siiso Koonfur Afrika. Aqalka Cad ayaa sheegay in tani looga dan leeyahay in lagu ciqaabo wax uu maamulka Trump ku sheegay “ku xad-gudubka xuquuqda” qaar ka mid ah muwaadiniinteeda caddaanka ah, oo ay ku dhaqaaqday dowladda.

Maamulka madaxweyne Trump ayaa ku eedeeyay Dowladda Koofur Africa oo ah dowlad ay muddo ka badan 30 sano majaraha u hayaan siyaasiyiinta madoowga South Africa, in ay ogolaatay weeraro gacan ka hadal ah oo ka dhan ah beeraleyda caddaanka laga tirada badanyahay.

Waxuu kaloo ku eedeeyay, in dowladdu soo saartay sharci lagula wareegayo beeraha caddaanka, iyadoo aanan wax magdhaw ah la siin.

Dowladda Koonfur Afrika ayaa beenisay in ay jiraan weerarro wadajir ah oo lagu qaaday beeraleyda caddaanka ah, iyaga oo sheegtay in sifaha Trump ee sharciga cusub ee dhulka ay ka buuxan macluumaad khaldan iyo marin-habaabin.

Caddaanka Koonfur Afrika ayaa weli guud ahaan ka nolol wanaagsan kuwa madowga ah, in ka badan 30 sano kaddib markii uu dhammaaday nidaamkii midab-takoorka ee caddaanka tirada yar ku hayeen dadka madow, kaas oo soo gaba gaboobay sannadi 1994-kii.

Daraasad uu 2021-kii soo saaray guddiga xuquuqul insaanka ee Koonfur Afrika ayaa lagu sheegay, in 1% dadka caddaanka ah ay ku nool yihiin saboolnimo marka la barbardhigo 64% dadka madowga ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More