Cali Balcad;”Dalka Soomaaliya wax xuduud ah lama laha Badda Cas”

Jan 12 (Jowhar)-Wasiiru dowlaha Wasaarada Arrimaha Dibbada Soomaaliya Cali Cumar Cali “Balcad”ayaa sheegay in Soomaaliya wax saameyn ah ku yeelanayn go’aanka ay dowlada Masar ee ah in dal aan xad la lahayn Badda Cas uusan saldhig milatari kasameysan karin wadamada xadka la leh Badda Cas.

Cali Balcad oo ay wareysatay laanta afka soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uusan  xad  la lahayn Badda Cas.

“Dalka Soomaaliya Juqraafi ahaan wax xuduud ah lama laha badda cas ama Red Sea, arintaasi waa arrin qaldan,Badda Cas waxa uu ka bilowdaa Babul Mendab iyo dalka Jabuuti Soomaaliya waxa ay xuduud la leedahay gacanka cadmeed marka Badda Cas Wax xuduud ah lama lehin.”ayuu yiri Wasiiru dowlaha wasaarada arrimaha dibbada dowlada Soomaaliya.

Wasiiru Dowlada Arrimaha Dibada Soomaaliya oo wax laga weydiiyay arrimihii ay ka wadahadleen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed kulankii ay k uyeesheen Addis Ababa ayaa yiri;

“Waxaa laga hadlay sidii loo dhamayn lahaa khilaafaadka jira iyo sidii labada dal ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha siyaasada loona abuuri lahaa deris wanaag,waxaana uu ”ayuu yiri Cali Balcad.

Sidoo kale Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibada Soomaaliya Cali Balcad ayaa wareysiga lala yeeshay ku sheegay in bisha soo socota ee Febraayo uu kulan ka dhacayo dalka Turkiga loogaga hadli doono arrimo la xiriira ganacsiga iyo dekedaha.

Mar wax laga weydiiyay Wasiiru dowle Cali Balcad in ciidmada Itoobiya ay ka mid noqon doonaan howlgalka AUSSOM ayaa sheegay inaan weli go’aan laga gaarin balse arrimo la xiriira ciidamadaas uu haatan kala hadlayo wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya dowlada Masar.

 

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More