Cali Guudlaawe oo la kulmay Wakiilo ka socday Qaramada Midoobay
Aug 29 (Jowhar)Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Cabadullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta waxa uu la kulmay ku xigeenka wakiilka gaarka ee ee Xoghayaha Guud, ahna Isku-duwaha Qaramada Midoobey ee Arrimaha Deegaanka iyo Beni’aadamnimada ee Soomaaliya George Conway.
Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Beeraha Dowlada Federalka Maxamed Cabdi Xayir,Wakiilka Soomaaliya ee Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobe (FAO) Etienne Peterschmitt, iyo hawl-wadeenno kale ee hay’adaha Qaramada Midoobey,wasiiro ka socday Hirshabelle iyo mas’uuliyiin kale.
Shirkan ayaa looga hadlay xaaladdaha guud ee Hirshabeelle, sida amniga, horumarinta iyo dhismaha kaaabayashaa dhaqaalaha, arrimaha gargaarka, qorshaha Dowladda, xoojinta xiirirka hay’adaha UN-ka ee ka howl-gala Hirshabeelle iyo dar-dar gelinta mashaariicda socota iyo kuwa hortebinta iyo mudnaanta u leh bulshada Hirshabeelle.
Kulankan ayaa waxaa sidoo kale diirada lagu saaray sidii loo dedejin lahaa hirgelinta mashruuca lagu dayactirayo biyo xireenka Sabuun kaasoo ay maalgelinayso hay’ada FAO.